Wararka

Kulan looga hadlayo bilicda casimada oo dhex maray maamulka Gobolka Banadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay goob-joog ka ahaayeen Kuxigeenada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho maadaama la guda galay xilli roobaadyo isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.

Magaalada Muqdisho tan iyo xalay waxaa ka da’aayay roob laga cabsi qabaa in uu saamayn ku yeesho Isku socodka gadiidka madama waddooyinka qaar uu bur bur soo gaaro xili roobaadka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close