Wararka
kulan looga hadlaayo Dhamistirka Sharciga Doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho.

Guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.
Kulan oo ahaa mid wadatshi iyo is xogwareysi ah ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka Ibraahim Isaaq Yarow waxaana looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horyaalla guddiga.
Guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka u ah sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu bishii hore saxiixay Madaxwaynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo.