Wararka

kulan looga hadlaayay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda qor-shaynta oo lagu qabtay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlaayay Waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Qorsheynta oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka oo 26 September ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda, Diyaarinta Istaraatijiyadda Maal-gashiga oo dhawaan la horgayn doona Golaha Wasiiradda iyo Diyaarinta Istaraatijiyada Dowladd gobaleedyada oo bilaaban doonto dhawaan, waxaana shirkaan guddoomiyeye Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Qorsheynta Marwo Fahma Axmed Nuur.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray heerka uu marayo Shirka Istiraatiijiyada oo horyaalo Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka FS, Sahanada kala duwan ee Sameeysay Agaasinka Istaatistics iyo Warbxininta Isbadalada Suuqyada iyo badeecadaha Suuqyada (CPI)

Ugu dambeyntii Shirka waxaa lagu Boggaadiyey Shirka Golaha Horumarinta Qaranka (NDC) ee 24kii September Ka qabsoomay Magaalada Muqdisho oo Ay Wasiiradda Qorsheynta Dowladda gobaleedyada iyo Wasiirka Qorsheynta ay ku meel Mariyeen mashaariic muhiim u ah dalkeena.

   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close