Wararka

Kulan looga hadlaayay sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulan looga hadlaayay sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis ah oo awood u leh ilaalinta Xeebaha Dalka, ka hortagga Tahriibka, iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kulanka kasoo qayb galay Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta ilaalinta Xeebaha Dalka, maamul Goboleedyada, wakiillo ka socda Dowladaha Soomaaliya ka taageera Boliiska, UNSOM, UNPOL iyo AMISOM.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka ilaalinta Xeebaha ee Wasaaradda amniga, Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta Xeebaha Dalka, Ciidanka la unkayana uu wax weyn ka tari doono ka hor tagga dembiyada ka dhaca Badaha Soomaaliya.

Taliyaha laanta ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, G/dhexe, Bashiir Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska Ciidan Boliis oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta Xeebaha Dalka.

Hoos ka daawo hadaladii dadkii ka hadlay kulankaasi:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close