Wararka
Kulan looga hadlaayay awood qaybsiga Golaha deeganka oo lagu qabtay Dagmadda Galkacyo

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u- Heshiisiinta Galmudug ayaa maanta Magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka daah furtay shirka awood qaybsiga Golaha deeganka ee Dagmadda Galkacyo.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir Dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u- Heshiisiinta mudane Axmed Xasan Cali.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ka hadlay Qaybihii kala duwanaa ee ka soo qayb galay shirka awood qaybsiga Golaha deeganka ee Dagmadda Galkacyo waxaa ayna booriyeen in wasaaradda arrimaha gudaha ay sii kordhiso shirarka wadatashiyada ah