Wararka

Kulan dhexmaray Duqa Muqdisho iyo safiirka Maraykanka u fadhiyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqasho uu ku tagay safaarada Dowlada Maraykanka ee ay ku lee dahay Soomaaliya kula kulmay safiirka Mareeykan u jooga Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.

Kulankan u dhaxeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo Ambassador Donald Yamamoto ayaa waxa ay kawada hadleyn dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada, Iskaashiga amniga Caasimadda, taageerada mashaariic horumarineed, arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.

Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kaste oo lagu horumarinaayo Caasimada.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close