Wararka
Kulan Dhex maray Wasirka Maaliyadda iyo wafdi ka socda UK.
Wasirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowlada U.K oo ku sugan dalka.
Wafdiga uu wasiirka kulanka la yeeshay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Afrika ee Dowladda UK Mr James Duddridge iyo Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac kawada hadleen isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda oo uu wasirka maaliyadda sheegay in ay dowlada Soomaaliya guul la taaban karo ka gaartay.
“Maanta waxa aan la kulmay Wasiirka Afrika ee Dowladda UK Mr James Duddridge oo aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda oo aan guul ka gaarnay sanadihii la soo dhaafay” ayuu yiir Wasir Bayle.