Wararka
kulan dhex maray Wasir Godax iyo Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka iyagoo ka wada hadlay dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka.
“Waxaan xafiiskeyga maanta kulan kula qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan kala hadlay dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo in ay ka qeyb-qaataan dadaallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarashada dalka” ayuu yiri Wasiir Godax.
Kulanka Wasiirka iyo Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka ayaa ku soo aadaayo xili saluug weyn laga muujiyay natiijadii ka soo baxday wasaaradda waxbarashada ee ku aadaneed ardaydii u fariisatay imtixaankii fasalka 12-aad.