Wararka
Kulan Dhex maray Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirada Maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta kulan ku qabsoomay habka casriga ah ee Online ka la qaatay Wasiirada Waxbarashada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Wasiirka oo ka warbixiyay kulanka uu la qaatay wasiirada maamulada ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo saameynta Covid_19 uu ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada.
“Waxaan maanta kulan la qaatay Wasiirada Waxbarashada Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan kawada hadalnay xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo saameynta Covid_19 uu ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada, waxaan sidoo kale kawada hadalnay imtixaanka Dugsiga Sare ee uu hakadka ku yimid” Ayuu yiri Wasiir Godax.