Wararka
Kulan dhex-maray Wasaaradda Shaqada iyo Hay’adda UNICEF (MAXAA LOOGA HADLAY).
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Cabdullahi Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa siyaasadda Bulshada xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Jose Maria Bendito Prieto iyo saraakiil kale oo xafiiska ka tirsan.
Kulanka waxaa looga hadlay wada-shaqeynta labada xafiis , kor u qaadista barnaamijyada taageerraya arrimaha Bulshada, Shaqo abuurka , ka hortagga shaqaaleynta Carruurta iyo dhammeystirka qorshaha shaqo ee sannad laha ah.