Wararka
kulan dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Saciid Cabdullahi Deni.
Guddoomiyaha aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xarunta aqalka sare ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay labada masuul ku wada qataan xarunta aqalka Sare waxaana inta uu socday looga hadlay qodoba ay kamid yihiin doorashada dalka lagu wado in ay ka qabsoonta horaanta sanadka 2021-ka.
Madaweyne Saciid Cabdllahi Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxda dalka ugu sareyso si looga wada hadlo qodobada la’isku mari la’yahay ee Doorashada.