Wararka
Kulan aqoon isweydaarsi ah oo u dhaxeeya Golaha shacabka Baarlamaanka iyo kuwa Puntland oo Muqdisho ka furmay.
Kulan aqoon isweydaarsi ah oo u dhaxeeya Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa manta ka furmay magaalada casimada ah ee Muqdisho waxaana kulanka furay Guddoomiyaha ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdi Cawad.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa Aqoon isweydaarsi waxaana looga hadlayay isku xirka labada guddi joogto ee golaha shacabka iyo golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo wada shaqeynta guddiyada isku shaqada ah ee labada dhinac.
Waxaa kulankan Aqoon is weydaarsiga ah ee u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland maal-gelinaaya mashruuca Gole-kaab oo ka shaqeeya tayo kordhinta hay’adaha Xeer dejinta Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo faah faahin ka bixiyay aqoon is weydaarsigan ayaa sheegay in maalinta khamiista ama jimcaha la soo gabagabeyn doono shirka, islamarkaana mudada uu socdo xoogga la saari doono wada wada shaqeynta labada Baarlamaan.