Wararka

Ku simaha Madaxweynaha Puntland oo warbixino ka dhagaystay qaar kamid ah Wasirada Maamulkasi.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta.

Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha in lasii dardargeliyo shaqada si adeega dowladdnimo loo gaarsiiyo dhammaan dadweynaha reer Puntland.Image may contain: 3 people, people sitting and tableImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close