Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Ku-simaha Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka dalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.’

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ka mid ah shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan taageeridda meelmarinta sharciyada la xariira doorashooyinka , arrimaha dib u eegista dastuurka, dhameystirkiisa iyo sidoo kale sharciyada muhiimka ay tahay in golaha shacabka ay meel mariyaan.

Ku-simaha madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha guud ayaa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaaday xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha Qaramada midoobay ay isku afgarteen dhamaan waxyabahii laga wada hadlay.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close