Wararka

ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dhagax dhigay wada laami laga dhisi doona.

Wadada isku xirta degmooyinka Shangaani, Cabdicasiis iyo Boondheer ayaa maanta waxaa dhagax dhigay ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur  iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuliin ka tirsan maamulka gobolka iyo bulshada qey-baheeda kala duwan ee dhaqan degmadda Shangaani.

Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fidow oo goobta ka hadlay ayaa bulshada kunool gobolka Banaadir shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qataan dib udhiska caasimadda  si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda guud ahaan ee magaaladda Muqdisho.

Kusimaha Gudoomiyaha gobolka ahna ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in inta yar ay ka qadaan bulshada gobolka banaadir ku nool ay dib ugu celinayaan taas oo uu ku tilmaamay sida dib u dhiska magaaladda oo qeyb weyn ka qaadan karta bilicda iyo quruxda caasimadda.Image may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky, crowd and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: sky, beach, outdoor, nature and waterImage may contain: sky and outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: one or more people, sky, basketball court and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close