Wararka
Ku-dhawaad 40-qof oo lagu dhaawacay Dugsi ku yaalla Shiinaha.

Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jireen Tobaneeyo Carruur ah ayaa waxaa saakayto lagu dhaawacay gudaha Dugsi Hoose oo ku yaalla magaalladda Wangfu ee Koonfurta dalka Shiinaha.
Weerarkaani ayaa la sheegay in uu gaystay Nin Waardiye ka ahaa Dugsigaasi oo ku hubeysnaa Tooreey, Xilli ay Ardayda wada joogeen Dugsiga.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Li Xiaomin ayaa la sheegay inuu si dedgeg ah ku galay Dugsigii, kadibna uu bilaabay inuu Tooreyda la dhacdo Ardayda iyo shaqaalaha Dugsigaasi.
Warbaahinta Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in Maamulihii Dugsiga uu ka mid yahay dadka la dooxay, waxayna Ciiddanka Ammaanka gacanta ku dhigeen Eedeysanaha oo 50-jir ahaa.
Ugu yaraan 8 Ambalaas ayaa gurmad ahaan loogu qaaday Ardaydii iyo Macallimiintii la dhaawacay, iyadoo ugu yaraan 2 Dhibane soo gaaray dhaawacyo culus.