Wararka

Ku dhawaad 100 ruux oo laguy dilay dalka Mali

Kooxo hubaysan ayaa soo weeraray tuulada Sobane-Kou oo dhacda gobolka Mopti waxaa ayna isku hareereeyen tuulada iyagoo dil u gaysanayay ruuxkasta oo isku dayo in uu kabaxsado Tuulada sida uu wakaalada wararka ee Aljazeera ugu waramay ruux goob jooge ahaa.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 95-ruux halka ku dhawaad 19-qof oo kalana la la’yahay sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dowladda Mali.

kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay gubeen guryo kuyaalo tuulada iyagoo si toos ah u tooganaayay xoolaha ay lahayeen shacabkii ku dhaqnaa tuuladaas.

Dhacdadaan ayaa imanayso seddex billood kadib markii ay 160 ruux oo katirsan qoomiyada Fulani lagu dilay dalka Mali waxaana weerarkaas lagu eedeeyay qoomiyada Dogon.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa soo gaabiyay safar shaqo uu ku joogay dalka Switzerland .

Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita oo la hadlaayay warbaahin laga leeyahay dalka Switzerland ayaa sheegay in dalka Mali uusan u dhaxeen Karin laba dhinac oo kala aar gudasha ah wuxuuna dadka reer Mali ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalada.

“dalkan laguma hoggaamin karo in la’iskaaga argoosta, waa inaan u midownaa badbaadinta dalkeena”. Ayuu yiri madaxweyne Keita.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close