Wararka

kooxda isku magacowday dowlada islaamka ee daacish oo laga saaray xaruntii ugu danbeysay ee dalka suuriya.

Dagaalyahanada ay taageeraan Mareykanka ee ka howlgala Bariga dalka Siiriya ayaaa ku dhawaaqay guusha kama dambeysta ah ee ay ka gaareen kooxda Daacish oo muddo 4-sano ah ka dagalameysay Ciraaq iyo Siiriya, islamarkaana 3-meelood hal meel qabsatay dhulka dalalkaasi.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Dimoqraadiga Siiriya ee ay taakuleeyaan Mareykanka (SDF)  ayaa shaaca ka qaaday maanta in la jabiyay kooxda Daacish oo muddo maamulayey halkaasi.

Maalinimadii shalay , Mustafa Bali, oo ah hogaamiyaha Ciidamada Dimoqraadiga Siiriya ee (SDF) ayaa sheegay in dagaaladii u dambeeyay ee lagu ciribtirayo Daacish ay ka socdeen magaalada Baghouz.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa shalay sheegtay in aysan jirin dhul illaa hadda ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish, sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Aqalka Cad.

Jabhadda SDF ayaa muddo todobaadyo ah magaalada Baghouz  oo dhacda Koonfur  Bari ee dalka Siiriya kula dagaalamaayey kooxda Isil.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close