Wararka
Koox Hubeysan Ayaa 6 qof oo Dumar ah Ku Dilay Deegaanka Xaawa Cabdi Ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Inta la xaqiijiyay lix dumar ah ayaa lagu dilay weerar rag hubeysan ay ku qaadeen koox haween ah oo geedka garanwaaga ah ka jarayay laamiga dhinacyadiisa wadada Dheer Ee Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, meel aan sidaa uga fogeyn isbitaalka Xaawo Cabdi .
Ragaan Weerarka Ku Qaaday Dumarka Ayaa La Sheegay Inay wateen gaari yar Waxaan La sheegay In ay rasaas ooda uga qaadeen Haweenkaa Shaqeynaayay , waxana horey u sii kaxayteen labo kale Oo Dumar ah .
Ciidamada amaanka Ayaa Goobta Gaaray Waxayna Ku Raadjoogaan Raga Falkaas Geystay Gudoomiye Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamad Ibrahim Barre Ayaana Arrinkaa BBC-da U Xaqiijiyay.
Lama oga sababta loo beegsaday haweenkaas ka shaqaynayay ololaha nadaafadda, waxaase horey u dhacday in haween ka shaqaynayay nadiifinta wadooyinka Muqdisho ay la qaraxdo miino ku aasnayd halka ay qashinka ka gurayeen taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray.
XIGASHO/BBCSOMALI