Wararka

Koonfur Galbeed oo mamnuucdey in la keeno Qaadka deegaanada Koonfur Galbeed ilaa amar danbe.

Maamulka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta mamnucday Qaadka waxaa ayna fariin u dirtay ganacsatada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ugu digtay in ay ka waantoobaan keenista Qaadka.

War-saxaafadeedkaan oo kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DGKGS ayaa lagu ogaysiiyay dhamaan laamaha amniga in ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cidkasto oo isku dayda in ay gacan ka gaysata keenista Qaadka.

Sidoo kale Guddoomiyayaasha degmoyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa loogu baaqay in ay dhankooda ka qayb qaataan sidii loo joojin lahaa Qaadka oo dhawaan ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday in dalka aan. lasoo galin karin.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close