Wararka

koonfur Afrika oo lagu aasay wil Soomaaliyeed oo dhawaan ay dileen cidanka dalkas.

Magaalada pretoria dalka koonfur afrika ayaa maanta waxa lagu aasay Mawaadin Soomaaliyeed oo dhawaan dil ay ugaysteen booliska dalkaasi koonfur Afrika.

Aaska marxuum cabdinuur sheekh maxamuud oo ugeeryooday jirdil ay ugaysteen booliska dalkaasi koonfur afrika ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magalada pritoria iyo madax ka socotay safarada soomaaliya ee dalka koonfur afrika.

Xubnaha qoyska ee ka qeyb galay aaska ayaa safarada soomaliya ee koonfur afrika ugu mahadcelisay dadalka ay ku bixinayso sidii cadaalad ugu heli lahayd wiilkooda islamarkaana ay dagal ugu sameynaso cida rasmiga ah ee ka dambeya dilka wiilkooda.

Sheekh cabdicasiis hilowle oo ka mid culumaa udiinka soomaaliyeed ee ku dhaqan magalada pritoria ee dalka koonfur afrika ayaa ka hadlay doorka soomalida kaga aadan isu gurmashada marka ay dhibaato la soo deristo
Cali Maxamed Sheekh Cali Begedi qunsulka safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta ka sheegay in ay ku daadaali doonaan sidii xaqiisa uu heli lahaa mawadinkan la dilay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close