Wararka

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay wakhtiga ay doorashada maamulkas qabsoomi doonta (AKHRISO).

Muqdisho (tusmotv.so) – Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.

Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayaa sida sharcigu qorayo madaxweynaha usoo gudbiyey warqad ay ku cayimeen maalinta, bisha iyo sannadka ay doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku qabsoomi doonaan, taas oo u qorshaysan 31/05/2021, si uu madaxweynuhuna ugu soo saaro wareegto rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen dhammaystirka wejiga labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyaasha, waxana uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan diyaar u yahay oo ay ka go’an tahay sidii uu taageero buuxda u siin lahaa inay doorashadu ku qabsoonto wakhtiga ay komishanku u cayimeen, islamarkaana uu hawshaa doorashada muhiimad gaar ah siinayo.Image may contain: 8 people, people standingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: one or more people and people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close