Wararka
Kismayo oo lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynaayo heshiiskii shalay kala saxiixdeen mamulka Jubbaland iyo Golaha ISbedel donka.

Magaalada Kismayo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbaland waxaa maanta lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynaayay heshiis la shaaciyay in uu dhex maray madaxweynaha Dowlad goboleedkaasi iyo Golaha Isbadal doonka Jubbaland.
Kulankaani oo ay kasoo qayb galeen kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland, Xubno katirsan golaha wasiirada iyo ururrada bulshada ayaa sii buuxda loogu taageeray heshiiskii ay maalinnimadii shalay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku wada saxiixdeen madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo siyaasiyiinta hoggaanka u ah golaha isbadal-doonka dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland ahna kusimaha madaxwaynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tani ay tahay bilaw wanagsan ayna sii wadi doonaan dib u heshiisiinta iyo xalinta cid kasto oo tabasha wadata.