Wararka

Kiiskii afaraad ee Cudurka Ebola oo laga helay caasimada Goma ee gobolka Kivu.

Iyadoo ay Dhaqaatiirta aan xaduudda laheen ee MSF ay la tacaaliyaan xaaladaha caafimaad ee dadka uu soo ritay caabuqa Ebola ee dalka Jumhuuriyad dimuquraadiyadda ee Congo ayaa haddana waxaa isasii taraayo haabidda Cudurkaan.

Kiiska afaraad ee cudurka Ebola ayaa laga helay caasimada Goma ee gobolka Kivu waxaana la diwaan galiya nin dahabka ka ganacsada oo maal qabeen ka ahaa dalkaasi Congo in uu qabo caabuqa ebola ka dib markii ay xanuunkaas u geeritooyatay xaaskiisa.

Sida uu sheegay sargaal u hadlay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ninkaas iyo toddobo cunig oo uu isaga dhalay ayaa ayaa la dajiyay  meel gaar  ah oo lagu karantiila dadka laga helo calaamadaha caabuqa Ebola,

Dhaqaatiirta ayaa hadda waxaa ay awoodda saariyaan sidii lagu karantiili lahaa dadka laga helo calaamadaha Cudurka dilaaga ah ee Ebola maadama ay fududdahay in lakala qaado ama la’isku guddbiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close