Wararka
Kiisas Cusub oo Xaaladda Corona ee Dalka oo la xaqiijiyay.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay laba jibaarantay xaladaha cusub ee kiisaska la xiriira Coronavirus ka waxaa ayna Sheegtay in 24 kii saac ee lasoo dhaafay baaritaanadii lasameeyay laga helay COVID-19 20 ruux.
Kiisas kaan cusub ayaa ka dhigaayo tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood waxaa ayna wasaaradda bulsahda kula dardaarantay inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan.
Sidoo kale wasaaradda ayaa Bulshafa kula halis ah in haddii ay isku arkaan calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad.
Tirada guud ee dhimashada ayaa marayso 5 ruux halka 2 kale ay ka buskoodeen Xanuunkaan safmaraynka ah ee Coronavirus.