Wararka

(khriso): Golaha shacabka oo kulankoodi 6aad yeeshay.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kulankoodii 6aad Kalfadhigiisa 6aad ee waxaana soo xaadiray139 Mudane iyadoo Ajandayaasha kulankana ay kamid ahaayeen Akhrinta 3aad Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad Wax Ka Bedelka Sharciga Furdooyinka.

Kulanka ayaa waxaa  Shir Guddoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman waxa ayna xildhibaanada Akhrinta sedaxaad marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha ayaa cod geliyay Wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka,waxaana Codka haa ku ogolaatay 133-Xildhibaan laba xildhibaan ayaa diiday Halka afar Xildhibaanna ay ka aamuseen sida uu natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Candiraxmaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ka mid ah guddiga maaliyadda ayaa mudanayaasha golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta sedaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka,gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Xildhibaanada oo sidoo kale sharcigan cod geliyay ayaa waxaa Codka haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan waxaa diiday 5-Xildhibaan Halka sedax Xildhibaanna ay ka aamuseen.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 5 people, beardImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close