Wararka

Khasaaro ka dhashay dab ka kacay caasimada New Delhi.

Dab ka kacay guri ku yaallo caasimada dalka Hindiya ee New Delhi ayaa dhaliyay Khasaaro isugu jiro naf iyo maal waxaana halkaasi ka socda gurmad ay kooxaha dab damiska wadaan kaas oo lagu yareynaayo in khasaaraha sii bato.

Ilaa iyo hadda Booliska Delhi ayaa xaqiijiyay dhimashada 43 ruux halka tiro intaas ka badana uu dhaawac kasoo gaaray dabka. Sidoo kale dabka ayaa saameeyay dukaamo ku yallay agagaarka guriga uu dabka ka kacay.

Madaxa Isbitaalka Lok Nayak Kishore Singh, ayaa sidoo kale sheegay in 34 ruux dhimasha loogu keenay halka sagaal ruux oo kale ay Isbitaalka ku geeriyoodeen. Dhaqtarka ayaa sheegay in dadka ay u dhinteen naqaska (hawada) oo ku xirmay maadama dabka uu dhaliyay qiiq aad u badan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close