Wararka

Khasaaro ka dhashay bur-bur ku yimid diyaarad laga leeyahay Kazakhstan.

Diyaarad siday 98 ruux ayaa maanta ku bur-burtay dalka Kazakhstan  sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi

Diyaarad siday 98 ruux ayaa maanta ku bur-burtay dalka Kazakhstan  sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi waxaana ku dhintay 12 ruux halka 49 ruux kale uu soo gaaray dhaawacyo halis ah waxaana la seexiyay Isbitaal ku yalla Magaalada Almaty.

Diyaaradda ayaa ka hor inta aysan ku dhicin darbiga laba dhisma oo dheer-dheer ayaa waxa ay kasoo kicintay Garoonka Caalamiga ee Almaty, subaxnimadii hore ee saaka.

Sidoo kale, diyaarada waxaa ay u duulaysay magaalada Nur-Sultan ee caasimada dalka Kazakhstan oo haray loogu yaqaanay Astana.

Nooca diyaarada ayaa la sheegay in ay aheed Fokker-100 oo ah nooca caadiga waxaa ayna shaqaynaysay muddo 23-sano ah sida ay sheegeen masuuliyiinta kambaniga soo saaray Diyaaraddaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close