Wararka
Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Kenya ayey ku sheegteen inay 3 Dagaalamayaal Alshabaab ku dileen Is-rasaasayn ka dhacday Tuulladda Buulo Xaaji oo qiyaastii 90-KM u jirta magaallo-madaxda Gobalka J/Hoose ee Kismaayo.
Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najuguna ayaa sheegay inuu iska horimaadkaasi oo dhacay habeen hore, xilli ay Ciiddanka Kenya socod ilaalo ah ku marayeen Deegaanku ku yaalla duleedka Kismaayo.
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi casimadda dalka Kenya, ayaa qoray inay Ciiddanka Kenya iska horimaadkaasi ku qabteen hal dagaalame, 2 qori oo AK 47 ah iyo mid noociisu yahay SAAR iyo rasaas badan, waa sida hadalka loo dhigay.
Kolonel Paul Najuguna Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan inay taageeraan Hawlgalladda AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab weli kama hadlin sheegashadda Ciiddanka Kenya, mana jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaasi.