Wararka
Kenya oo sababaysay waxa ay ugu qayb qali waysay dhagaysiga dacwadda Badda ee Maxkamadda ICJ.

Xili Shalay Galinkii danbo ay maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ soo gabababaysay dhagaysiga Dooda Dacwadda Badda ee Soomaaliya ayaa waxaa qoraal dheer soo saaray dowlada Kenya kaas oo ay ku caddeeyeen sababta ay ugu qayb gali waayeen dhagaysiga dacwada Badda.
Sababaha ay kenya ku andacwoonaysa ayaa waxaa kamid ah; Cadaalad darro ay sheegtay in maxkamadda ICJ kula kacday, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah kaas oo ay ku tilmaameyn in uu culays badani saaray una hiiliyay Soomaaliya.
Sidoo kale, Kenya waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Budhcad baddeeda’.
Kenya waxaa kale oo ay u sheegtay maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tidhi qoraalkeeda.