Wararka
Kenya oo loo doortay in ay hoggaamiso Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya (CGPCS).
Iyadoo ay jirta xurguf siyaasadeed oo ka dhaxayso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taas oo ku saabsan muranka beenta ah ee ay dowlada Kenya ku sheeganayso gees kamida Biyaha Badda Soomaaliya ayaa haddana waxaa dowladaasi loo doortay in ay hoggaamiso Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya (CGPCS) muddo Labo Sano ah oo ka billaabanaysa Jannaayo 2020-ka.
Go’aankan ayaa kasoo baxay kulankii 22-aad, Kalfadhigiisa 22-aad ee ay kooxdu ku yeelatay Shalay oo ay Bishan June ahayd 20, Magaalada Balaclava ee Jasiiradaha Mauritius.
Xoghayaha Wasaaradda difaaca Kenya, Raychelle Omamo, oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dowlada Kenya ay la shaqeyn doonto dhammaan Dalalka xubnaha ka ah kooxdan iyo daneeyayaasha Soomaaliya, si loo hubiyo dedaalka Beesha caalamka ee ku aaddan ka hortagga iyo la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada Burcad Badeedda.
Dowlada Kenya ayaa xilkaan kala wareegayso dowlada Mauritius taas oo xilkaan soo haysay muddooyiinkii ugu danbeeyay.