Wararka
Kal Fadhiga Golaha Deegaanka Garoowe Oo Maanta Ka Furmay Magaaalda Garoowe.
Kalfadhiga 26 aad ee golaha degaanka Garoowe ayaa saaka ka furmay xarunta AJJ Hoteel ee caasimadda Garoowe.
Furitaanka kalfadhiga waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, isimo, ganacsato, culimaa’uddiin iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaya golaha degaanka, ahna duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse ayaa halkaa ka jeediyay waxqabadkiisi degmada ee lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshihiisa waxqabadka u diyaarsan lixda bilood ee oo socda.