Wararka
Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo maanta furmay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in maamulkiisa guulo muhiim ah ka gaaray Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.
Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.