Wararka
Jubbaland Oo Sheegtay In Ay Hakisay Xiriirkii Kala Dhexeeyay Dowlada Dhexe.
Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ku hakiyay wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka iyo Jubbaland.
Golaha ayaa go,aankaan ku sababeeyay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka iyo khalkhalgalinta joogtada ah ee arrimaha Jubbaland.
Golaha ayaa dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan isla markaana meel uga wada soo jeedsadaan cidwalba oo dooneysa dhibaateynta amnigooda.