Wararka
Jubbaland oo sheegtay in arrinta Habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada aysan ayaga khuseynin.
Qaar kamida dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa ka hor horyimid war-qaddii kasoo baxdqay wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ku qorneyd Habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada.
Iyadoo ay saaka dowlad goboleedka Hirshabeelle ay soo saartay war-saxaafadeed ay ku cadeynayso mow-qifkeeda ku aadan arrinta Habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada ayaa isla maanta waxaa ayna war-saxaafadeed kasoo saaray arrintaan dowlad goboleedka Jubbaland.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in warqadaas aysan khuseynin Jubbaland oo ay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka baalmarsan.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay dowlad goboleedka jubbaland.