Wararka
Jubbaland oo Shaacisay Khasaaraha Ka dhashay Qaraxyadii iyo werarkii lagu qaaday Hotel Madiina Ee Magaaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Lagu Qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka
Kenyan 3 qof.
Tanzanian 3 qof.
American 2 qof.
Canadian 1 qof.
British 1 qof.
Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.
Axmed Madoobe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.
Intaa ka dib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.
Shacabka reer kismaayo ayuu madaxweynuhu uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.