Wararka
Jubbaland oo isbadal cusub kusamaysay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa isbadal cusub kusamaysay degmooyinka Luuq iyo Baardheere waxaana loo magacaabay Guddoomiyayaal cusub sidoo kale waxaa lamagacaabay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee gobalka gedo.
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dawlad gobaleedka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa gudoomiye kuxigeenka 1aad ee gobalka gedo loo magacaabay Maxamed Xuseen Cisman (ganey).
Sidoo kale degreetada waxaa guddoomiya Cusub loogu magacaabay Bishaar Aadan Cabdikariin(afjabay) oo loo magacaabay gudoomiyaha Degmada Luuq halka ismaaciil cabdi Qorrax(koofi) loo magacaabay gudoomiyaha ee Degmada Baardheere.