Wararka
Jubbaland oo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha gar-gaarka dib u amray in ay gutaan howlihii ay ka qaban jireen deganada Jubbaland.
Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta kulan xog wareysi ah u qabatay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gar-gaarka ee ka howl-gala deegaanada Jubbaland.
Wasaaradda ayaa Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gar-gaarka kala hadashay sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland iyo sidii si buuxda shaqada ay ugu soo laaban lahaayeen Hay’adihii ka howl gali jiray Jubbaland maadaama ay hakad galeen muddadii ay socotay doorashada Jubbaland.
Deegaana badan oo hoostago dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kusoo lab laabta abaara saamayn balaaran ku yeesha dadka shacabka ah eek u dhaqan deeganadaasi.