Wararka

Jubbaland Oo Amaro Cusub Dul Dhigtay Shacabka Ku Dhaqan Deegaanada Maamulkaasi.

War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta maamulka Jubbaland ayaa dadka deggan guryaha danta guud ee Dowladda lagu amray inay si dhaqso ah uga guuraan.

Amarkan ayaa wuxuu saameynayaa dhammaan dadweynaha degan guryaha Dowladda, iyadoo loo qabtay inay muddo 14 casho ah uga guuraan, iyadoo ciddii u hoggaansami weyda amarkaasina ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqasan laga qaadi doono.

Sidoo kale, War-saxaafadeedkaas ayaa laamaha ammaanka Jubbaland lagu faray inay ka saaraan dadka deggan guryaha dowladda marka la gaaro xiliga fursada loo siiyay inay kaga guuraan guryahaasi.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close