Wararka
Joe Biden oo sual galiyay Mustaqbalka America.

Joe Biden Musharax xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa si aan caadi aheen u cambaareeyay falkii lagu dilay George Floyd oo ahaa madow 46 sano jir ah oo ciidamada booliska Minneapolis nafta kaga qaadeen sidii ay jilibka qulunta kaga hayeen.
Musharaxa oo hadal ka jeediyay fagaara ay dad shacab oo banaanbax dhigaayay ku sugnaayeen ayaa shacabka dalkaasi dib u xasuusiyay waxa uu caalamka ka aaminsanyahay Maraykanka iyo xaalada hadda sida ay tahay.
Joe Biden ayaa yiri “waxaan Muwaadin kasto oo American ah waydiinayaan—eeg halka aan hadda taganahay kuna fikir si cusub: ma sidaan baa sida aanu nahay? Ma sidaan baa sida aanu rabna inaan noqona? Ma sidaan baa waxa aan doonayna inaan u gudbina caruurteena.
Joe Biden ayaa madaxweynaha Maraykanka ku sheegay in ay qudhiisa ka bilaabatay naceybka ayna isaga ku dhamaan doonta. Waxaa uuna intaasi ku daray in dhaqankaani aan lagu aqaanin America uuna sii jiri doonin mustaqbalka.
Lama oga halka ay ku danbeyn doonta carada dadweynaha Maraykanka ay ka muujinayaan dilkaasi foosha xumaa waxaana laamaha sharci dajinta dalkaasi wadaan in ay soo saran xeerar cusub oo ciqaab u noqon karo Booliska Maraykanka.