Wararka

Jadwalka Doorashada 2020/2021 oo la soo saaray.

Kulan ay yeesheen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa lagu soo saaray jadawalka doorasha ee sanadka 2020 iyo 20121.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF.

Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta ayaa sido kale lagu sheegay in Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka.

Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare aya sidoo kale la sheegay in Guddigu ay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare.Image may contain: text that says "Lifaaq 1: Goobaha Codbixinta Doorashada 2020/21 S/N 1. Dowladaha Xubnaha ka h DF Puntland 2. Jubaland Koonfur-Galbeed Galmudug 5. Goobaha Codbixinta A. Garowe B. Bossaso A. Kismaayo B. Garbahaarey A. Baydhabo B. Baraawe A. Samareeb B. Gaalkacayo A. Jowhar B. Beledweyne A. Muqdisho Hirshabeelle 6. Soomaaliland iyo Banaadiri"Image may contain: text

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close