Wararka

Israsaaseyn dhexmartay ciidamada amniga iyo shaqsi ku hubeysnaa Bistoolad.

Israsaaseyn xalay dhexmartay ciidamada amniga ee Degmada Boondhere iyo shaqsi ku hubeysnaa bistoolad oo sida ay sheegtay taliyaha cidanka Booliska Gen. zakia ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarkaas.

Taliye Zakia  ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxaa ay ku sheegtay in ninkaas uu isku dayaayay in uu dhila askari howl ku jiray.

“Ciidamada amniga ee Degmada Boondhere ayaa caawa abbaaro 7:15 fiidnimo waxay iska hor imadeen shaqsi ka tirsan kooxda argagixisada ee Al Shabaab, kaas oo ku hubeysnaa Bistoolad, una dan lahaa inuu dilo askari howl u taagnaa” ayay tiri Gen. Zakia.

Sidoo kale Gen. zakia waxaa ay intaas ku dartay in aysan jirin cid Israsaaseyntaas wax ku noqotay waxaa ayna ugu mahadcelisay ciidamada amniga sida ay u fashiliyeen weerarkaasi.

“Israsaaseyn keddib waxay ciidamada amniga toogteen dhagar qabahii watay Bistoolada, isla meeshuu ayuuna ku dhintay. Nasiib wanaag ma jiro qof kale oo wax ka soo gaaray howlgalkaas” ayay tiri taliyaha Booliska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close