Wararka
Israel oo yeelatay xukuumad mideysan.

Ugu danbeyn dowlada Israel waxa ay yeelatay xukuumad cusub kadib sanad jahawareer siyaasadeed oo ka taagnaa Israel oo hoos u dhac ballaaran ku keenay dhaqaalaha dalkaasi. Awood Qaybsi siyaasadeed ayay kala saxiixdeen labada garab ee garabka midig iyo kuwa dhexe.
Baarlamaanka Israel ayaa maalinimadii axada meel-mariyay xeerkaani cusub ee lagu dhisaayo xukuumad loo dhan yahay waxaana codka Aqlabiyada ku ogolaaday 73 mudane halka 46 kale ay ka soo hor jeeysteen.
Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa xafiiska sii joogi doona muddo dhan 18 bilood, madaxa Xisbiga dhexe ee White party, Benny Gantz ayaa badale doona ra’iisal wasaaraha.
“shacabka ayaa raba dowlad loo mideysanyahay, tanina waa waxa ay dadweynaha heleen maanta, waxaan dooranay inaan si wadajir ah ugu shaqeyno dalkeena” ayuu Yiri Netanyahu.
Dhanka kale hoggaamiyaha Mucaaradka ee xisbiga garabka dhexe Gantz ayaa dhankiisa ka hadlay hanaankaan cusub ee lagu dhisaayo xukuumad loo dhanyahay waxaa uuna yiri” waxaan dagaal sokeeyo ka dooranay dowlad mideysan, qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa Israel waa uu dhamaaday”
Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shacabka Israel u balan qaaday miisaaniyad uu ku sheegay In ay ka hortagi doonta hoos u dhaqaale, dammaanad qaadda xasilooni, dib u soo celisa kobicii dhaqaalaha, miisaaniyad raja wanaagsan galisa muwaadiniinta Israel.