Wararka
Isbar-bar yaac ka jiro Kismayo iyo laba madaxweyne oo Baritoole lagu wado in lagu doorta isla Kismato.
Waxaa Magaalada Kismayo ee xarunta kumeel gaarka u dowlad goboleedka Jubbaland kasocota doorasha isbar bar yaac ah taas oo soo bilaabatay bilawgii ku dhawaaqistii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha dowlad goboleedka Jubbaland kadib markii ay magacaabista guddigaas ay ka biyadiideen musharaxiinta Mucaaradka iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin koox si gaar ah dhinac ugu jar jeerta wixii intaa kadanbeeyayna magacaawday guddi gaar ah.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in natiija kasto oo kasoo baxda doorashada madaxtinimada Jubbaland baritoole aysan wax qalqal galin amaanka ku saabsan aysan dhalin.
Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James swan oo warsaxaafadeedka soo saaray ayaa sheegay in saaxibada taageera Soomaaliya ay ku war galiniyaan diblumaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan wax kasto oo aamanka Jubbaland qal qal galin karo isagoo sheegay in xasiloonida Jubbaland ay ku xirantahay dalka oo dhan.
Dhanka kale, qoraal lagu daabacay barta twitter ka ee Golaha Isku magacaabay Isbadal doon ayaa lagu sheegay in caawo ciidama badan lasoo dhoobay guriga musharax madaxweyne xildhibaan Xidig taas oo sahli karta in uu isku dhac dhex maro Ilaalada musharax Xidig iyo ciidamadaas la keenay gurigiisa.