Wararka
In ka badan 10 ruux oo shacab ah oo ku dhintay Qarax miino oo haleelay.

Gaari nooca dadweynaha ah ayaa miino nooca dhulka lagu aaso waxaa ay kula qaraxday Control ka laga soo galo Magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.
Qaraxaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo shacab gaariga saarnaa,.
Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad Xds Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamd (Shitaqeey) oo warbaahinta dowlada la hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay ku dhinteen 17 qof.
Sidoo kale Wadaha gaariga oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dadkii saarnaa gaariga ay ka badbaadeen isaga iyo 4 ruux oo dhaawac ah.