Wararka

Imtixaankii Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka oo soo gaba gaboowey.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in kabadan 34, 600 oo arday.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare XFS Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u mahad celiyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu Horeeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi Dagan islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkoodo ku aadaan waxbarashada. Waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Waxaa Goordhaw furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Image may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close