Wararka
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4aad dugsiga sare oo si rasmi ah uga bilowday dalka.

Imtixaanka sanad dugsiyeeska 2019/2020oo ay ka qeyb galayaan ku dhswaad 35000 arday ayaa waxaa daahfuran Raiisul wasaare ku xigeynka Soomaaliya mudane mahdi maxamed Guuleed ,oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada.
Ra,iisul wasaare ku xigeynka dalka ayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed u rajeyay in ay guuleestaan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay imtixaanka iyo sida ardayda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin, waxa uuna shegay in ka wasaaradda ay Ahmiyadda koobaad siineyso horumarinta waxbarashada dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare axmed xasan yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay mar waliba u taagan yihiin kor u qaadista waxbarashada ardayda Soomaaliyeed islamarka imtixaanku uu yahay mid si nadaam ah ku dhacaya.
Raisul wasaare ku xigeenka XFS oo daahfurtay imtixanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.
Raisul wasaare ku xigeenka XFS oo daahfurtay imtixanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.Tabinta:Cumar Buule
Posted by TUSMO TV on Saturday, 18 July 2020