Wararka
Wasiirka maaliyada xukuumada soomaaliya oo maanta hor tagay golaha shacabka.

Kulanka oo ah kii 13aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir Guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey waxa uuna Ajendaha kulanka ahaa Akhrinta 1aad Ku Noqoshada Miisaanyadda 2020 iyo Akh 1aad H/Sh Socdaalka .
Waxaa kulanka maanta xaadir ahaa 140Xildhibaan.
Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Ducaale Beyle ayaa xillibaanada hor geeyay Ku noqoshada Lixdii Bilood ee la soo dhaafay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020.
Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan uu saameeyay Xanuunka Covid-19.
“Waxa aan maanta Baarlamaanka Golaha Shacabka horgeeynay Ku noqoshada Lixdii Bilood ee la soo dhaafay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020. Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan waxaa saameeyay Xanuunka Covid-19, oo sababay in ay hoos uga dhacdo halkii kutalagalku ahaa” ayuu yiri wasiir Beyle.