Wararka
iidanaka xooga dalka Soomaaliyeed oo iska caabiyay dagaal ugu yimid Al-shabaab.

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanaka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa faafaahin ka bixiyey weerer ay dagaalamayaal ka tirsan Al-shaab ku qaadeen faariisimo ciidamo ka tirsan malateriga Soomaliya ay ku leeyihiin duleedka Koonfureed ee magalada Baydhabo ee caasimada KMG mamulka KG Soomaliya.
Goobta ayaa waxa arorimadii hore ee saaka waarer ku qaadey dagaalamayaal ka tirsan Al-shaab waxana mudo kooban halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duban.
weerarka ka dib waxa halkaasi kormeer ku tagay xubno ka tirsan maamulka magalada Baydhabo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey abaanduulahi qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaashaanle sare Iraahim Cusmaan Maxamed.
Abaanduulaha oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faafaahin ka bixiyey qasaraha ka dhashay weerarka ay Alshabaab ku soo qaadeen fariisinka.
Xasan macalin Axmed Biikoole godomiyaha degmada Baydhabo ee mamaulka KGS oo kormeerka ku wehlinayey saraakiisha ayaa ciidanka dowlada ugu baaqey in Al-shabaab ay kala wareegaan deegnada ay kaga sugan yihiin KGS.