Wararka

IGAD OO BALAN QAADAY IN AY SII WADI DOONTA TAAGEERIDA AY SIISA DOWLDA SOOMAALIYA.

Urur goboleedka IGAD ayaa cambaareeyay weerarkii arbacadii ay Al-shabaab ku qaadeen dhismaha xarunta dowlada Hoose ee xamar halkaas oo ay ku dhinteen toddaba xubnood oo kamida masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayna ku dhaawacmeen dhowr masuul oo uu kamid yahay Guddoomiyaha gobolka Banadir Cabdiraxmaan cumar Cusmaan Injineer Yariisow.

Ururka goboleedka IGAD oo ka kooban siddeed wadan ayaa sidoo kale balan qaaday in uu lasii shaqayn doona dowlada Dhexe iyo Maamulada dalka Kajiro.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in IGAD ay sii wadi doonta dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas waxaa ayna intaa ku dareen in bartimaameedkoodu ahaa wakiilka gaarka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya kaas oo saacado ka hor ka baxay xarunta dowlada Hoose ee Xamar halkaas oo uu kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close